DEG DEG: Gabriel Jesus oo ka jabay lafta Isha

nintchdbpict0003302686501-e1497102665282

(Melbourne) 10 Juunyo 2017. Dhaliyaha xulka Brazil Gabriel Jesus ayaa la warinayaa inay jab ka gaartay lafta ku dahaaran isha kaddib markii uu suxul uga dhuftay daafaca xulka Argentina Nicolas Otamendi kaa oo ay ka wada tirsan yihiin kooxda Man City.

Jesus ayaa khasaariyay fursad wayn kaddib markii uu goolhayaha u gooyay ka hor inta uusan suxulka ku dhufan saaxiibkii ciyaartii shalay uu xulka Brazil guul darada kala kulmay Argentina.

Weeraryahanka kooxda Man City ayaa dhammaadkii dheesha bareelo looga qaaday garoonka markii uu ka soo kici waayay xusulkii uu u taagay Otamendi.

Gabriel Jesus was then stretchered from the field and taken to hospital

Waxaa si ka hor tag ah loola cararay isbital u dhawaa, saraakiil ka socotay Brazil ayaana markii hore sheegay inaysan jirin wax jabniin ah.

Hasayeeshee, tijaabooyin hor leh oo saakay la marsiyay ayaa sheegaya in dhaawucu uu ka khatar badan yahay sida markii hore la mooday.

Jesus ayaa iminka seegaya kulanka uu Brazil la yeelanayo Australia kaddib markii la ogaaday inuu jiro jabniin lafaha ku daboolan isha.

Gabriel Jesus lay motionless on the ground as medics were quickly on the scene

Dakhtarka xulka Brazil Rodrigo Lasmar iyo agaasimaha farsmada ee Edu Gaspar ayaa galabkan la xiriiray kooxda Man City si ay warbixin horleh uga siyaan xaalada Jesus.

20 jirka ayaa iminka dib ugu soo laabanaya dalkiisa hooyo iyadoo tababare Tite uu dooranayo inuusan u yeerin laacib uu ku buuxinayo booskiisa.

Waxay u badan tahay in booskiisa lagu soo bilaabi doono Diego Souza kulanka saaxiibtinimo ay talaadada la yeelan doonaan xulka Australia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close