Wararkii ugu dambeeyay ee wada xaajoodka Roma & Liverpool oo Mohamed Salah ka doonaysa

(Liverpool) 09 Juunyo 2017 – Jurgen Klopp ayaa sida la sheegayo iskaga baxaya doonistii Mohamed Salah kaddib markii ay beeciisa ka badbadisay kooxda Roma, taasoo keentay inay Reds haatan raadsanayso laacibiin kale.

Sida uu sheegayo Liverpool Echo, camaaliqada Premier League ee uu hoggaamiyo macallinkii hore ee Borussia Dortmund diyaar uma aha inay bixiso € 40 milyan oo euro oo ay laacibka reer Masar ku fasaxayso kooxda Roma, taasoo ay saa’id u arkaan maamulka oo jeclaa inay laacibkan la tagaan Champions League.

BIDDAAL PORTUGUESE AH – Maaddaama ay caqabado hareeynayaan wada xaajoodkii Saalax ayay Liverpool iminka diiradda saaraysaa moowhuubka Sports Lisbon ee Gelson Martins.

Laacibkan kubad dhisaha ah ayaa CL uga yaabsaday Real Madrid oo uu daafeceeda dab geliyay fasalkii iminka dhamaaday, iyadoo Martins qandaraaskiisa lagu fasiqi karo 60-milyan oo euro, waxay Reds rumaysan tahay inay lacagtaa barkeed ku heli karto maaddaama ay xaalad dhaqaale oo adag ku jirto kooxdan reer Portuguese.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close