RASMI: Inter Milan oo ku dhawaaqday in Luciano Spalletti uu yahay tababarehooda cusub

(Milan) 09 Juunyo 2017 Kooxda Inter Milan ee dalka talyaaniga ayaa shaacisay in Luciano Spalletti uu yahay tababarehooda cusub.

Luciano Spalletti ayaa qalinka ugu duugay kooxda Inter heshiis 2-sano ah, waxaana saxaafada loo soo bandhigi doonaa arbacada nagu soo aadan sida ay baahisay kooxda.

58 jirkaan ayaa tababarkiisa ugu horeeya ee Inter ka soo muuqadan doona 3-da bisha soo socota ee July.

Luciano Spalletti ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda Roma, kadib xiliciyaareed fiican oo uu gaarsiiyay booska labaad ee kala saraynta horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close