“Mustaqbalkeygu wuxuu ku jiraa gacanta wakiilkeyga” – Alexis Sanchez

(London) 09 Juunyo 2017 Weerar yahanka kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa xili lala xiriirinayo kooxo badan.

Alexis Sanchez ayaa sheegay in mustaqbalkiisu uu ku jiro gacanta wakiilkiisa, isla markaana uu ka warsugayo wixii uu u soo go’aamiyo.

Mustaqbalka Alexis Sanchez ee Arsenal ayaa mugdi siigalaya, waxaana ku dagaalamaya saxiixa laacibka reer Chile kooxaha Bayern Munich iyo Manchester City.

“Mustaqbalkeygu wuxuu ku jiraa gacanta wakiilkeyga, isaga ayaa la fariisan doona kooxda isaga oo indhihiisa ku haaya wixii aniga nafci ii ah” ayuu yiri Alexis Sanchez.

“Waxaan ku kalsoonaan doonaa wixii uu ii soo gooyo wakiilkeyga laakiin waqti xaadirkaan diiradu waxay ii saarantahay koobka qaaradaha iyo inaan soo bandhigo qaab ciyaareed fiican”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close