Leonardo Bonucci oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Man City iyo Chelsea

(Torino) 09 Juunyo 2017 Daafaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu u dhaqaaqi doono horyaalka ingiriiska.

Laacib kaan ayaa ku dhawaa inuu ku biiro City xaggaagii hore, laakiin xanuun ku yimid wiilkiisa ayaa sababay inuu go’aansado sii joogida Juventus.

Markale ayeey dib u soo laabteen xaggaagan wararkii la xiriirinayay Chelsea iyo Manchester City, waxaana saaka la baahiyay in wakiilka Bonucci uu ka dagay magaalada London si uu heshiis ula gaaro Blues.

Blase laacibka ayaa beeniyay wararkaas, wuxuuna cadeeyay in wararkaas ay yihiin waxba kama jiraan sida ay baahisay Football Italia.

“Kaliya waa been abuur” ayuu yiri Leonardo Bonucci mar wax laga waydiiyay wararka la xiriirinaya inuu isaga tagayo Juventus.

“Dhamaan saxafiyiintu sidaas oo kale ayeey sameeyaan, laakiin wararkaas been abuurka ah waa kuwo ka fog xaqiiqda” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close