HORDHAC: Argentina Vs. Brazil

Brazil-vs-Argentina-International-Football-Friendly

(Melbourne) 09 Juunyo 2017. Ma jirto ciyaar caalami ah oo loo babac dhigi karo Brazil Vs. Argentina.

Is xifaaliyeyaashan waxa ay Australia ku ciyaari doonaan kulan saaxiibtinimo oo ay ku tijaabinayaan safafkooda kahor is reeb reebka bisha Agoosto ee koobka aduunka.

Brazil

Selecao waa dalka kowaad ee xaqiijiyey booskiisa koobka aduunka 2018 kaddib markii ay 10 kulan ka badiyeen 14 ciyaarood oo ay dheeleen iyaga oo sagaal dhibcood ku haya hogaanka wadamada koonfurta America ee ololaha is reeb reebka.

Tababbare Tite waxa uu nasasho siiyey xiddigihiisa sida Neymar, Firmino,  Marcelo iyo Dani Alves.

 

Argentina

Argentina ma aha sida Brazil oo kale kolkan, waxaa la so darsay olole liita waana midda keentay in Edgardo Bauza ay ku badalaan Jorge Sampaoli.

Tababbaraha cusub waxa uu ku tashan doonaa dhammaan xiddigihiisa waa weyn kulankiisa ugu horreeya sida Lionel Messi, Gonzalo Higuain iyo  Paulo Dybala.

FOOL KA FOOL

Brazil ayaa badisay saddex ka mida is aragyadoodii ugu dambeyey waxaana ka mida kulankii ay 3-0 ku garaaceen bishii November xilli ay goolasha kala dhaliyeen Neymar, Coutinho iyo Paulonho.

 

Gegida: Melbourne Cricket Ground.

Saacadda Geeska Africa: 1:05Pm (Duhurkii)

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close