Hector Bellerin oo ka hadlay wararka la xiriirinaya Barcelona

(London) 09 Juunyo 2017 Daafaca kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Barcelona.

Maalmihii u danbeeyay ayaa la baahiyay in Hector Bellerin uu shuruuda gaarka ah kala heshiiyay kooxda Barcelona isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal.

Balse 22 jirka reer Spain ayaa beeniyay wararkaas, isaga oo hadal maldahan ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

“Ha rumaysan wax walba oo aad aqriso” ayuu ku soo  qoray batiisa Twitter-ka daafaca kooxda Arsenal.

Warka laacibka ayaa ka dhigan inay been abuurtahay wararka sheegaya inuu hesiis shaqsi ah la gaaray Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close