GUUL MICNO LEH:Waqti badan kadib xulka Brazil oo la kulmay guul darrro iyo Argentina oo faxad kusoo dhaweysay Sampaoli+SAWIRRO

( Melbourne) 09 Juunyo 2017 .Jorge Sampaoli ayaa kulankiisii ugu horeeyay xulka Argentina ku hogaamiyay kuna bilowday Guul isaga oo kaga mahad celinaayo goolkii Gabriel Mercado kuwaasi oo xaqiijisatay in ay 1-0 kaga badiyeen ciyaar saaxiibtinimo kooxda weyn Brazil kulankaasi oo ka dhacay magaalada Melbourne garoonkeeda Melbourne Cricket Ground.
Kulankan ayaa waxaa usoo daawasho tagtay 95,000 oo taageereyaal ah kuwaasi oo daawanayay xiddigaha dunida ugu magaca wayn uu Messi hogaaminaayay.
Sampaoli ayaa kusoo bilaabay shaxdiisa:weeraryahano kusoo wada bilaabay sida Lionel Messi, Gonzalo Higuain, Paulo Dybala iyo Angel Di Maria.
Brazil, ayaa dhanka kale, waxay ahaayeen kuwo aan Weeraryahankooda Neymar lasoo wadin, laakiin Tite ayaa sameeyey seddexda xiddiga oo ka dheela Premier League in ay weerarkiisa hogaamiyaan waana Gabriel Ciise, Willian iyo Philippe Coutinho.
Daafaca Sevilla Gabriel Mercado ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta ka dhashay daqiiqadii 45.aad waxaana ay kusoo dhamaatay in Argentina ay 1-0 kaga badiyaan Brazil.
Xulka jaalayaasa ee Brazil,ayaa horaba ugu soo baxay is reeb reebka koobka adduunka 2018 balse waxaa ay raadinayeen guushii 10,aad oo xiriir ah balse macalin Tite ma sii wadan rikoorkiisa, waxaana libinta helay kulankiisii ugu horeeyay macalin Jorge Sampaoli kaasi oo uu u ahaa kulankiisii ugu horeeyay ee uu xulka Argentina leeliyo.
Sikastaba Brazil ayaa la dheeli doonta Australia June 13 ciyaar saaxiibtinimo oo kale, halka Argentina ay la kulmi doonaan Singapore ka hor inta aysan isku dayin in ay soo nooleeyaan ololaha isreebreebka koobka adduunka iyaga oo la balansan Uruguay bisha.
SAWIRRO:
Gool FM