XOG: Federico Bernardeschi oo heshiis shakhsi ah la gaarey Inter Milan

(Milano) 08 Juun 2017 – Garab-weerarka Fiorentina ee Federico Bernardeschi ayaa sida lasoo werinayo aqbalay dalabka Inter Milan, isagoo iyaga ka door bidaya Juventus.

Garabkan da’da yar ayay kooxdiisa Viola u bandhigtay qandaraas cusub balse wuu diidey iyadoo uu midka uu haatan kula jiraa dhacayo Juun 2019.

Yeelkeede, laacib-yarahan caalamiga ah ee reer Talyaani ayaa u muuqda mid haatan far muuqday kooxda uu doonayo, iyadoo Premium Sport qorayo in Nerazzurri ay Bernardeschi, u bandhigtay qandaraas 5 sano ah oo uu midkiiba ku qaadanayo €5m oo euro, iyadoo uu 23-jirkani kooxda San Siro ka door badiy inuu ku biiro Juventus.

  b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close