RASMI: Shakespeare oo si joogta ah loogu dhiibay xilka tababaranimo ee Leicester City

le

(England) 08 Juunyo 2017. Craig Shakespeare ayaa si joogta ah loogu magacaabay xilka tababaranimo ee naadiga Leicester City iyadoo loo gacan galiyay saddex sano oo heshiis ah.

Shakespeare ayaa si ku meel gaar ah u sii hayay xilka naadiga lagu naaneyso Foxes kaddib markii la ceyriyay tababare Claudio Ranieri kaa oo si lama filaan ah ugu gacan galiyay Premier League kal ciyaareedkii 2015-16 season.

Inkastoo ay Leicester City ku dhammeysatay kal ciyaareedka iyadoo aan wax guul ah gaarin saddexdeedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska, Shakespeare ayaa guul gaaray sideed ka mid ah 16 kii kulan ee Premier League uu xilka sida ku meel gaarka ah ku hayay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close