RASMI: Milan oo xaqiijisay Rodriguez [Sawirro]

m1

(Milan) 08 Juunyo 2017. Milan waxa ay si rasmi ah u xaqiijiyey saxiixa daaficii Wolfsburg Ricardo Rodriguez  oo ay kula soo wareegtay heshiis dhan €18m ilaa iyo 2021.

Daafaca Switzerland waxa uu u soo duulay tijaabada caafimaad habeenkii salaasada, waxa uu  ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay ku soo biiridda Rossoneri.

“Wax ka qotodheer ciyaaryahanada muuhiimka ah, waxaan u baahannahay kuwa muujinaya farxadda xirashada maaliyadda taas oo ah sababta marka hore aan u sameyno tijaabada caafimaad kuna geyno kormeer qolka koobabka,” sidaas waxaa Facebook-giisa ku  yiri agaasime Massimiliano Mirabelli.

m4

Rodriguez waxa uu warqadaha ku saxiixay qaab Online ah isaga oo gacan qaaday agaasimeyaasha kala ah Marco Fassone iyo  Mirabelli.

Rodriguez waxa uu noqonayaa saxiixii saddexaad ee Diavolo xagaagan isaga oo ku biiray Marco Fassone iyo  Mirabelli.

m2

Waxaa kormeer lagu geeyey xarunta Milan HQ iyo qolka koobabka, xilligaas waxa uu u muuqday mid laab qaadmay isaga oo farta ku fiiqay astaaanta Champions League-ga: “Halakan waa meesha Milan lagu yaqaan. Gurigooda.”

m3

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close