Pique oo furka ku tuuray saaxafadda xilli uu ganafka ku dhuftay in jamaahiirta Spain ugu fooriyaan go’aankiisa ku saabsan gooni isu’taagga Catalonia

gerard-pique-spain_1rs2freiad2d61n6hgloc58x1a

(Madrid) 08 Juunyo 2017. Daafaca Spain Gerard Pique waxa uu ka carooday FOORIDII ay kula keceen taageereyaashiisa, waxa uu eeda duudka u saaray saxaafadda.

Xiddiga Barcelona waxaa markale bartilmaameedsaday jamaahiirta iyada oo ay Spain 2-2 la gashay kulan saaxiibtimo Cambodia.

Pique waxa uu sheegay in sida joogtada ah ee arinkan looga hadlo ay sababtay soo noq noqoshada arintan.

“Muddo sanad ah waxaad wax iga weydiineyseen arinkan. Wax muuhiim ah ayaad ka dhigtaan,” ayuu u sheegay wariyeyaasha.

“Dadka iguma foorin jirin wixii ka dambeeyey Euro-gii idinkana, dadkiina iyo qiimeyntiina, ayaa sameeyey foorida markale.”

Pique hore waxaa loogu foorin jiray taageerada uu u hayo gooni isu taagga Catalan.

Laakiin Pique waxa uu sheegay in middan ugu dambeeysay aysan arinkaas ahayn “Dadka ma fooriyaan laakiin hadana wey bilaabeen

“Ma waxaad u qabtaa in ay tahay gooni isu taagga Gatalonia? Ma waxa ay kula tahay in ay siyaasad darted iigu foorinayaan? Miyaan waligey ka hadlay?

“Tani waa arin aan 20 jeer oo hore ka jawaabay. Soo fiiriya jaraa’idada.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close