Man United oo aan diyaar u ahayn inay heshiis cusub ka saxiixdo Zlatan Ibrahimovic

(Manchester) 08 Juunyo 2017 Kooxda Manchester United ayaan diyaar u ahayn inay heshiis cusub ka saxiixdo weerar yahankeeda reer Sweden.

Zlatan Ibrahimovic ayaa qaab xor ah ugu soo biiray United xaggaagii hore, markaas oo uu ka soo dhaqaaqay kooxda PSG.

Sida ay ogaatay Sky Sports, Manchester United ayaa la filayaa inaysan wax heshiis kordhin ah hordhigin Zlatan Ibrahimovic.

Qandaraaskiisa ayaa dhacaya dhamaadka bishaan, waxayna u muuqataa in tababare Jose Mourinho uu go’aansaday inuu iska fasaxo 35 jirka reer Sweden.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close