Lambarkii ‘24’ ee uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Cheick Tiote oo la soo jeediyay in howl gab laga dhigo

tt

(England) 08 Juunyo 2017. Taageerayaasha kooxda Newastle United ayaa soo gudbiyay codsi ah in howl gab laga dhigo oo aan mardambe dib loogu ciyaarin lambarkii 24-aad uu u xiran jiray allaha u naxariistee Cheick Tiote.

Tiote ayaa isagu si Faja’ ah ugu geeriyooday dalka Shiinaha mar uu qaadanayay tababarka isagoo sooman.

Cheick Tiote ayaa todobo sano u soo ciyaarayay kooxda reer England wuxuuna ahaa shaqsi ay aad u jecel yihiin taageerayaasha kooxda Newcastle United.

Cheick Tiote’s son, Rafael, wore a Newcastle shirt with ‘RIP Daddy 24’ on it

Taageerayaal iskood isku abaabulay ayaa soo gudbiyay codsi in howl gab laga dhigo Lambarka 24-aad ee kooxda si loogu xuso Tiote.

Si la mid ah waxaa howl gab laga dhigay lambar 23 uu Marc-Vivien Foe u xiran jiray Man City kaddib markii uu geeriyooday sanadii 2003.

Cheick Tiote has tragically died aged 30 following a collapse in training

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close