Guardiola oo ku soo laabanaya Barcelona

guardiola-en-el-camp-nou

(Catalonia) 08 Juunyo 2017. Shan sano kaddib markii uu ka tagay Barcelona, Pep Guardiola waxa uu u safan doona kooxda Camp Nou markale iyada oo xusi doonta sanadguuradii 25-aad eek a soo wareegtay koobkeedii Europe ugu horreeyey ee ay 1992-gii qaaday.

Tababbaraha iminka ee Manchester City waxa uu ka garab dheeli doonaa saaaxiibadiisii hore sida Jose Mari Bakero, Ronald Koeman iyo  Hristo Stoichkov kulankan oo ay la dheeli doonaan Benfica.

Dabaaldagyada waxaa la qaban doonaa sabtida marka ay saacadda bartamaha Europe tahay 10Pm iyada oo ay kooxda Catalan sheegtay in uu jiro doono muuqaal dib loogu xusuusan doonno dhacdadaas.

Fiinaalahaas waxa uu dhacay 20kii May sanadii 1992-gii, waxa ay Barcelona Wembley kula dheeshay Sampdoria waxaana go’aansaday Koeman oo waqtigii dhimashada gool dhaliyey.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close