AC Milan oo Lazio kula heshiisey inay €50m ku qaadato Lucas Biglia iyo Keita Baldé Diao (Maxaa weli harsan?)

(Milano) 08 Juunyo 2017 – AC Milan ayaa lasoo werinayaa inay qaab qaam raam ah ku wada qaadanayso Lucas Biglia iyo Keita Baldé Diao oo u wada safta Lazio iyagoo haatan la ballansan wakiilka laacibka.

Warkan oo xalay dhashay ayaa sheegayay in Rossoneri ay Biancocelesti kula heshiisey inay labada laacib isku wada qaadato iyadoo miiska saaraysa €50m oo bareemiyo lagu daray, balse laacibka reer Senegal ayaa u muuqday mid door bidaya Juventus.

Yeelkeede, MilanNews ayaa haatan werinaya in wakiilka Keita oo lagu magacaabo Roberto Calenda, uu la kulmayo maamulka AC Milan si uu ula turxaan bixiyo heshiiska.

Kaddib iibkii AC Milan ee dalladda Chinese-ka waxaa muuqanaysa in Rossoneri ay abaartii ka baxday iyadoo durba qaadatay Mateo Musacchio iyo Franck Kessié, halka Ricardo Rodriguez ay ka dhiman tahay oo qura in lagu dhawaaqo heshiiskiisa maanta ama berri.

 

b1b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close