Wax ka ogoow faah faahinta heshiiska Aubameyang uu ugu biirayo PSG

(Paris) 07 Juunyo 2017 Waxaa daaha laga qaaday faah faahinta heshiiska weerar yahanka Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang uu ugu biirayo kooxda PSG.

Wargayska Bild ee dalka jarmalka ayaa baahiyay in Aubameyang uu kula heshiiyay kooxda PSG inuu qalinka ugu duugo heshiis 4-sano ah, isaga oo sanadkii qaadanaya 14 milyan oo euro.

Borussia Dortmund ayaa la filayaa inay aqbasho aduun dhan 70 milyan oo euro si laacibka reer Gabon uu ugu wareego kooxda caasimada faransiiska.

Heshiiska waxaa qayb ka noqon kara, da’yarka weerarka uga ciyaara PSG ee Jean-Kevin Augustin kaas oo u soo wareegaya dhanka Borussia.

PSG ayaa u muuqata mid gacanta ku dhigtay mid kamid ah weerar yahanada ugu fiican yurub waqti xaadirkaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close