SAWIRRO: Cristiano Ronaldo oo ku soo biiray tababarka xulka Portugal

(Lisbon) 07 Juunyo 2017. Cristiano Ronaldo ayaa maanta ka soo muuqday tababarka xulkiisa Portugal isagoo aad u dhoola cadeynaya malaha weli wuxuu ku jiraa dabaal deg maadaama uu Champions League iyo La Liga kula soo guuleystay Real Madrid.
Xulka ku soo guuleystay Euro 2016 ayaa diyaar garow ugu jira kulanka ay la yeelanayaan xulka yar ee Latvia ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ay wada ciyaari doonaan habeenka jimcaha.
SAWIRRO:
Gool FM.