Real Madrid oo soo diiday dalab Manchester United ay ka gudbisay Alvaro Morata

Manchester United have failed in a bid for Real Madrid striker Alvaro Morata, according to Sky in Italy

(Madrid) 07 Juunyo 2017 Kooxda Real Madrid ayaa soo diiday dalab Manchester United ay ka gudbisay weerar yahanka reer Spain ee Alvaro Morata.

Sida ay ogaatay Sky Italia, Real Madrid ay soo diiday dalab ku kacayay 52.4 milyan oo Ginni oo u dhiganta 60 milyan oo euro oo Manchester United ay ka gudbisay Alvaro Morata.

Goolhayaha kooxda United ee David De Gea ayaa la ogaaday inuusan qayb ka ahayn dalabkii ay gudbisay kooxda tababare Jose Mourinho.

Haddii Manchester ay ku guul daraysato saxiixa Alvaro Morata, waxay u weecan doontaa weerar yahanka Torino ee Andrea Belotti kaas oo heshiiskiisa lagu burburin karo 100 milyan oo euro (87.3 milyan oo Ginni).

Alvaro Morata ayaa dhaliyay 20 gool xiliciyaareedkii dhamaaday tartamada oo dhan, wuxuuna ku guulaystay horyaalka iyo Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close