Haddii uu Ronaldo soo xareeyay 2 koob oo waa wayn Ronaldo Yare isna labo koob oo kale ayuu ku soo daray tirada!!!

aa

(Madrid) 07 Juunyo 2017. Malaha Cristiano Ronaldo ayaa markan ku qasban inuu ballaariyo halka uu koobabka dhigo maadaama uu canugiisa Ronaldo Yare uu soo xareeyay labo koob oo hor leh.

Kabtanka xulka Portugul ayaa dowr wayn uga ciyaaray Real Madrid ciyaartii Final ka Champions League ay 4-1 uga qaaday Juventus wuxuu sidoo kale aad uga caawiyay inay ku guuleystaan horyaalka La Liga.

Ronaldo Yare ayaa sida aabihii oo kale isna dab yar shideyn oo wuxuu kooxdiisa yar yar-ka la qaaday copa 2017 isagoona sidoo kale ku guuleystay abaal marinta Pichichi ee gool dhalinta horyaalka.

Related image

Cristiano Ronaldo ayaa boggiisa Istagram soo dhigay sawirka wiilkiisa oo labada abaal marin ku kala heysta labada gacmood wuxuuna soo raaciyay qoraal yar oo u dhacayay:

“Waan kugu faanayaa, Hambalyo ku guuleysigaaga copa 2017 iyo pichichi.”.

Proud of you. Congrats to win the copa 2017 and pichichi. ❤️️❤️️

A post shared by Cristiano Ronaldo (@cristiano) on

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close