Barcelona iyo Man United oo isku qabanaya kulana labo lug ah, Camp Nou iyo Old Trafford (Goorma?)

vv

(Europe) 07 Juunyo 2017. Rugcadaayaasha kooxaha Man United iyo Barcelona ayaa kulan sama fal ah oo labo lug ah isku qabanaya sanadan 2017.

Kulanka ayaa waxaa lacago loogu ururinayaa mashruuca Manchester United Foundation .

Lugta hore waxa uu ka dhici doonaa garoonka Barcelona ee Camp Nou marka ay taarikhdu ku beegan tahay 30-ka June.

Halka lugta labaad lagu ciyaari doono masraxa riyada ee Old Trafford, sabti 2-da bisha September.

Man United ayaa la soo shir tagi doonta xiddigo ay ka mid yihiin Edwin van der Sar, Paul Scholes, Denis Irwin, Dwight Yorke, Phil Neville, Ronny Johnsen, Louis Saha, Mikaël Silvestre, Jesper Blomqvist iyo Dion Dublin.

Safka Man United waxaa tababare u noqon doona Bryan Robson halka dhaliyahoodii hore ee Andy Cole uu noqon doono caawiyaha tababaraha.

Jose Mari Bakero ayaa hor kici doona oo leylin doona Barcelona iyadoo ilaa iminka la xaqiijiyay in Eric Abidal, Miguel Angel Nadal, Gheorghe Popescu, Andoni Goikoetxea iyo Julio Salinas ay ka mid noqon doonaan safka kooxda reer Catalonia.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close