Wenger oo ka hadlaya Mbappe,’Ma jirto qof 100m ciyaaryahan ka bixinaya deedna tarbuunka saaraya!’

MAIN-Chambly-v-AS-Monaco-French-National-Cup

(London) 06 Juunyo 2017. Arsene Wenger waxa uu markale ka hadlay Kylian Mbappe –  iyada oo ay xoogeysaneyso xanta sheegeysa in Gunners ay aduun badan ku raadineyso.

18 jirka waxa uu olole wanaagsan la qaatay Monoco xilli ciyaareedkan dhawaan idlaaday, waxa uu dhaliyey 26 gool 44 kulan oo uu saftay Ligue 1-ka.

Sidoo kale bandhigyada cajiibka ah ee uu Champions League-ga ka sameeyey ayaa heegan galiyey muruqo weynta Europe.

Warara waxa ay sheegayaan in Arsenal laga soo diiday dalab dhan £87million halka uu Wenger sheegay in uu u qalmo xiddiga lacagtaas.

‘Didier Deschamps waxa uu qabaa in ciyaaryahanka u baahan yahay in uu dheelo laakiin dhinaca kale wiiilka waxa uu sameeyey soo jiidasho  keeneysa in koox ay diyaar u noqoto bixinta 100m taas oo ugu yaraan ka dhigeysa in loo goglo roogga cas,’ ayuu yiri Wenger.

‘Ma jiro cid ciyaaryahan 100m ka bixineysa oo hadana dhahaysa waxaad fuuleysaa tarbuunka!”

 

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close