Wakiilka Mario Balotelli oo xaqiijiyay inuu ku biirayo Borussia Dortmund

(Dortmund) 06 Juunyo 2017 Wakiilka weerar yahanka reer talyaani ee Mario Balotelli ayaa sheegay in laacibku uu ku sii jeedo kooxda Borussia Dortmund.

Mino Raiola ayaa xaqiijiyay in 26 jirka reer talyaani ee Mario Balotelli uu ka soo muuqadan doono xiliciyaareedka dambe garoonka Signal Iduna Park.

Isaga oo la hadlay wargayska Bild maanta oo talaado ah ayuu yiri: “Haa, Balotelli waa suurogal inuu u ciyaaro Borussia Dortmund”.

Wakiil Raiola ayaa ku sugnaa gobolka Rhineland tan iyo shalay si uu u dhamaystiro in Balotelli uu ku biiro kooxda reer Jarmal.

Balotelli ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay horyaalka faransiiska xiliciyaareedkii dhamaaday, haatan wuxuu ka soo muuqan doona Bundesliga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close