Waa kuma Sead Kolasinac? Wax ka baro saxiixa cusub ee Arsenal

ar

(London) 06 Juunyo 2017. Arsenal ayaa shaacisay inay gacanta ku soo dhigtay Sead Kolasinac.

Arsene Wenger ayaa daafaca bidix ee Schalke kula soo wareegay heshiis sanadiiba ku kacaya adduun dhan 7.5 milyan oo bound.

Haddaba waa kuma Sead Kolasinac??

Image result for sead kolasinac bosnia

Wuxuu ku dhashay Karlsruhe ee dalka Jarmalka sanadii 1993.

Wuxuu yimid Schalke sanadii 2012 isagoo ka yimi naadiga ka dhisan dalkiisa hooyo ee Karlsruher SC and Hoffenheim.

Inkastoo ay jirtay inuu matalay xulka qaranka Jarmalka ee da’doodu ka yar tahay heerarka 18, 19 iyo 20-jirada misane wuxuu Kolasinac doortay inuu matalo xulkiisa Bosnia and Herzegovina sanadii 2013.

Image result for sead kolasinac germany under-20

Ciyaaryahan ceynkee ah waaye Sead Kolasinac?

Kolasinac waxaa loo aqoonsan yahay sida daafac garabka bidix laakiin waxaa lagu gartaa awoodiisa ah inuu ka ciyaaro boos kasta oo dhanka daafaca.

Maalmihiisii hore ee naadiga labaad ee Schalke waxaa laga dheelsiiyay daafac dhexe iyo qadka dhexe ee daafaca.

Wuxuu sidoo kale ka soo halgamay garabka tan iyo markii Schalke loo badelay qaab ciyaareedka 3-5-2.

Sumcadiisa dhanka jir ahaaneed iyo waliba hufnaantiisa kubbadaha jooga sare, waxaa shaki ku jirin inuu hanti ka noqon doono Premier League.

Ma jiraan kooxo kale oo xiiseynayay inta aysan Arsenal la saxiixan?

Image result for sead kolasinac germany under-20

Sida ay sheegayaan wararku Liverpool, Man City iyo Chelsea ayaa dhammaan wada xiiseynayay daafaca garabka bidix.

Waxaa taa sii dheer in la rumeysan yahay in kooxaha waa wayn ee Talyaaniga AC Milan, Juventus iyo Roma ay dalabyo ka gudbiyeen.

Juventus ayaa rajeynaysay in xiddigeeda reer Bosnia Miralem Pjanic kaa oo ay dhalashada wadaagaan Kolasinac isla markaana ay saaxiibada dhow yihiin uu ku qancin karay inuu Turin u soo jiido, laakiin laacibka ayaa doortay Arsenal.

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

2 Comments

  1. Anigu waxaan ahay taageere arsenal waana soodhawaynaynaa xidigaan cusub lama arkidoone wuxuusoo kordhiyo balse Arden wingar waxaan leeyahay weeraryahayn lagama hayo

Leave a Reply

Close