Southampton oo dacwad ka dhan ah qaabka Liverpool ay wada xaajoodka ugula jirto Virgil van Dijk u gudbisay Premier League

(Liverpool) 06 Juunyo 2017 Kooxda Souyhampton ayaa dacwad ka gudbisay kooxda Liverpool kadib markii ay soo bexeen wadahadalada ay ku doonayso saxiixa daafacooda Virgil van Dijk.

Liverpool ayaa lala xiriiriyay Virgil van Dijk, waxayna uga horaysaa saxiixiisa kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Man City.

BBC iyo Sky Sports ayaa baahiyay in Southampton ay dacwad ka dhan ah Liverpool u gudbisay Premier League.

Southampton ayaa waydiisatay Premier League in loo fiiriyo sharciga qaabka Liverpool ay wadahadalada qarsoodiga ah ugula jirto Virgil van Dijk.

Wadahadalada Liverpool iyo Virgil van Dijk oo hormar badan samaynaya ayeey ku tilmaantay Southampton kuwo aan waafaqsanayn sharciga.

BBC Radio Solent ayaa dhanka kale baahiyay in Southampton aysan diyaar u ahayn in xaggaagan ay iska fasaxdo daafaceeda Virgil van Dijk, waana sababta ay dacwada uga gudbisay Liverpool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close