RASMI: Arda Turan oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

Arda Turan Turkey

(Istanbul) 06 Juunyo 2017 Kabtankii xulka qaranka Turkiga ee Arda Turan ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu iska casilay ciyaaraha xulkiisa.

Arda Turan ayaa garaacay saxafi wax ka sheegay kadib kulankii u dhexeeyay xulka qaranka Turkiga iyo Macedonia.

30 jirkaan ayaa qabtay shir jaraa’id kaas oo uu ku shaaciyay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah.

“Waxyaabo xun ayaa dhacay xalay laakiin kama shalaaysani wixii aan sameeyay (garaacistii wariyaha), waxaan la hadlay tababaraha iyo madaxwaynaha xiriirka, waxaanan u sheegay in aanan doonayn inaan la sii joogo xulka isla markaana aanan doonayn inaan ciyaaro kulanka Kosovo” ayuu yiri Arda Turan.

“Isla sidaas oo kale ayaan ku samayn doonaa qof walba oo qora warar been ah, marnaba ma hilmaami doono wixii noogu dhacay akhbaartaas darteed”.

“Waxaan la hadlay masuliyiin ka tirsan xulka, waa uu soo idlaaday waayahaygii xulka qaranka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close