PSG oo James Rodriguez kula dheggan Man Utd & Inter Milan

(Paris) 06 Juunyo 2017 – Paris Saint-Germain ayaa kusoo biirtay kooxaha Inter Milan iyo Manchester United oo wada cayrsanaya weerarka Real Madrid ee James Rodriguez.

Laacibkan reer Colombia ee caalamiga ah ayay hubaal u dhowdahay inuu xagaagan ka tegayo kooxdiisa, kaddib markii tarabuunka la saaray dhamaadkii Champions League oo ay kooxdiisu ka qaadday Juventus.

Haddaba, waloow ay Manchester United muddaba daba socotey waxaa gadaal kala qabsatay kooxda Inter Milan, oo iyaduna markeed hardan ka wajahaysa dalka France.

Sida ku dhigan warsidaha Spanish-ka ah ee Marca, Paris Saint-Germain ayaa Real Madrid ugu geed fariisatay laacibkan xogtiisa, iyadoo loo sheegay in Merengues ay laacibka ku bixinayso isla qiimihii ay Monaco kasoo siisatay oo ahaa €75m oo euro.

Football Soccer- Spanish La Liga Santander - Deportivo v Real Madrid - Riazor stadium, A Coruna, Spain - 26/04/17 Real Madrid's James Rodriguez celebrates a goal. REUTERS/Miguel Vidal
Football Soccer- Spanish La Liga Santander – Deportivo v Real Madrid – Riazor stadium, A Coruna, Spain – 26/04/17 Real Madrid’s James Rodriguez celebrates a goal. REUTERS/Miguel Vidal

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close