Muxuu ka yiri Sead Kolasinac ku biiritaankiisa Arsenal?

Photo published for VIDEO: Watch Kolasinac's first interview

(London) 06 Juunyo 2017 Daafaca cusub ee kooxda Arsenal Sead Kolasinac ayaa ka hadlay ku soo biiridiisa kooxda tababare Arsene Wenger.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu heshiis 5-sano ah u saxiixo kooxda Arsenal oo uu daawan jiray kulamadeeda gaar ahaan waqtigii Henry iyo Lehmann.

Sead ayaa intaa ku daray inuu ka ciyaari karo daafac bidix, difaac dhexe iyo waliba weerarka, wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay inaan 5-sano u saxiixo koox leh caado dhaqameed kaan, waxaan u bartay daawashada Henry iyo Lehmann waqti hore”.

“Waxaan ka ciyaari karaa daafac bidix, daafac dhexe oo seddexaad iyo waliba weerarka, xaqiiqdii intaba tababar ayaan u haystaa”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close