Maxaa ka soo kordhay heshiis kordhintii Messi ee Barcelona?

(Barcelona) 06 Juunyo 2017 Warar laga helayo gudaha Barcelona ayaa sheegaya in Lionel Messi uu qarka u saaran yahay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Mundo Deportivo ayaa baahisay in maamulka Barcelona ay la heshiiyeen Messi si uu u saxiixo heshiis cusub ka hor intii uusan u bixin fasaxiisa xaggaaga.

Messi oo haatan waqti la qaadanaya xulkiisa oo isku diyaarinaya kulamada Brazil iyo Singapore ayaa la sugayaa inuu dib ugu soo laabto Barcelona.

Kabtanka xulka Argentina ayaa laba isbuuc kadib dib ugu soo laabanaya magaalada Barcelona, waxaana la sheegay inuu markaas saxiixi doono heshiiska cusub.

Laacibka ayaana kadib dib ugu laabanaya Argentina halkaas oo ay ka dhici doonto xaflada guurkiisa.

Aabaha dhalay Messi oo ah wakiilkiisa ayaa haatan ku sugan Barcelona si uu u dhameeyo waxyaabaha ka harsan heshiis kordhinta.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close