Gerard Pique oo si maldahan ugu jees jeesay qaabkii Real Madrid ay u dabaal dagtay

(Barcelona) 06 Juunyo 2017 Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa markale wax ka sheegay kooxda Real Madrid kadib dabaal dagyadeedii xiliciyaareed kan.

Real Madrid ayaa ku guulaysatay horyaalka Spain iyo koobka Champions League xiliciyaareed kan, waxayna dhigteen xaflado waa wayn oo dabaal dag ah kuwaas oo xitaa lagu aflagaadeeyay laacibka Barcelona.

Laakiin Pique ayaa sheegay in wax qabadkii Real Madrid ee 2-dii xiliciyaareed ee u danbeeyay aan lala barbardhigi karin wax qabadkoodii sanadihii u danbeeyay.

“Waxaan rumaysanahay in aan isbarbardhig lagu samayn karin wixii ay qabatay Real labadii xiliciyaareed ee u danbeeyay iyo wax qabadkeenii sanadahii badnaa” ayuu yiri Gerard Pique.

“Waan samayn karnay inaan dabaal dagyo qabano oo koobka aan soo wareejino kadib ku guulaysigii Copa del Rey laakiin waxaan ognahay in koobkaas kaligiisa uusan sabab u noqon karin inaan dabaal dagno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close