MUUQAAL: Ricardo Rodríguez oo goor dhowayd kasoo degey Milano! ”Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaaddo – Forza Milan”

(Milano) 06 Juunyo 2017 – Sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya, Ricardo Rodriguez, oo ah daafac dadabka bidix ka dheela oo u dhashay Switzerland ayaa haatan kasoo degey garoonka caalamiga ah ee Malpensa.

Laaciba oo ka yimid Wolfsburg ayaa lagu wadaa inuu berri caafimaadka u maro kooxda AC Milan isagoo noqonaya laacibkii 3-aad ee kusoo biira.

Gianluca Di Domenico, oo ah nin khabiir ku ah suuqa Talyaaniga ayaa sheegay inuu laacibku yiri: “Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaaddo. Forza Milan!. Miyaan weli is maqalnay Montella? May, Weli lamaanan hadlin. ” ayuu daba dhigay.

Ricardo Rodriguez oo Milan ugu kacaya €15m ilaa €18m ayaa berri 7:30 caafimaadka ku maraya La Madonnina.

b

b

b b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close