Conte oo la ogaaday mushaarka uu doonayo in uu Bonucci uga ritto Real iyo City

Italy Training Session And Press Conference

(London) 06 Juunyo 2017. Antonio Conte waxa uu kalsooni ku qabaa in Chelsea xagaagan heli doonto Leonardo Bonucci, sidaas waxaa qaba warar hoose.

Leonardo Bonucci waxaa si baahan la’isugu raacsan yahay in uu yahay daafaca dhexe ee Europe ugu wanaagsan isaga oo ka caawiyey Juventus keenidda fiinaalaha Champions League.

Real Madrid iyo Manchester City ayaa ku ciriirinaya Chelsea 30 jirka reer Italy.

Laakiin the Sun waxa ay leedahay Conte waxa uu diyaar ula yahay dal wadaagiisa afar sano oo qandaraas ah iyo £115,000 oo uu toddobaadkii bangiga dhigan doono.

Conte hore ayuu ula soo shaqeeyey Bonucci waxa uuna doonayaa in uu ku xoojiyo gaashaandhiggiisa maadama uu tagay John Terry.

contbu

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close