Pepe oo Inter ballan uga baxay una bayraya PSG!

(Paris) 05 Juunyo 2017 – Waxaa lagu wadey inuu laacibkani noqon doono laacibka 1-aad ee kusoo biiri lahaa kooxda Inter ee Luciano Spalletti iyadoo ay maalmo ka hor wax kastaahi u muuqdeen kuwo dhamaaday, yeelkeede wuxuu noqday kaydka 1-aad ee PSG. Kepler Laveran Lima Ferreira, oo ku caan ah magaca Pepe, ayaa Real Madrid ka aadaya Ligue 1.

Wakiilka daafaca, Jorge Mendes, ayaa u duulay Paris si uu tibxaha heshiiska ula soo dhameeyo maamulka kooxda PSG, wuxuuna Pepe qarka u saaran yahay inuu saxiixo qandaraas 2 sanaale ah.

Waxay arrintan oo dhami ka dhalatay wada hadal magaalada Cardiff ku dhex maray wakiilka Mendes iyo milkiilaha PSG ee Al Khelaifi.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close