Milan oo Jarmanka u joogta dhamaynta heshiiska Ricardo Rodríguez (Goorma ayuu caafimaadka marayaa?)

(Milano) 05 Juunyo 2017 – AC Milan ayaa xagaagan u muuqata mid mar kale ka dhex muuqata suuqa kala iibsiga laacibiinta oo ay sanadihii yaraa ee ugu dambeeyay marti ka ahayd.

Sida uu dhigayo Sky Sport 24, Marco Fassone ayaa haatan ku sugan Jarmanka si uu Wolfsburg ula soo afjaro heshiis ay Milan kusoo qaadanayso dadabka bidix ee Ricardo Rodriguez.

Laacibka ayaa horay heshiis ula gaarey kooxda Milan iyadoo wax yari ka harsan yihiin tafaasiisha dhamaystirka heshiiska kaasoo berri lagu wado in la dhameeyo, waxaana Arbacada uu laacibku kasoo degi doonaa Milano si uu caafimaadka ugu maro Milan, waloow ortmediaset uu dhigayo inuu isla berri oo Talaado ah caafimaadka mari doono. Milan ayaa laacibkan uga maarmi doonta De Sciglio oo sida la fahamsan yahay ka socda kooxda Milan.

Milan ayaa sidoo kale Khamiista lagu wadaa inay la fariisato wakiilka daafaca dadabka midig ee Andrea Conti oo ah laacib farsamo badan kaasoo ay aad u doonayaan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close