DEG DEG: Cheick Tiote oo geeriyooday

Cheick-Tiote-Newcastle-959000

(Beijing) 05 Juunyo 2017. CHEICK TIOTE ayaa geeriyooday galabta isaga oo ay da’diisu tahay 30, waxaa la sheegay in isaga oo tababbar ku jira uu sarajoogga ka dhacay.

Wararka waxa ay ka yimaadeen China galabta halkaas oo uu xiddiggii hore ee Newcastle ugu ciyaarayey Beijing Enterprises, waxaa la qaaday isaga oo xanuusan.

Waxaa loola cararay cisbitaalka dhacdadaas kaddib halkaas oo dhimashadiisa looga dhawaaqay.

Wariyaha BBC-da Tim Hague ayaa qoray: “DEG DEG: @Khadkii dhexe ee NUFC ee hore Cheick Tiote waxaa uu ka dhacay sarajoogga xilli uu tababbar ugu jiray Beijing Enterprieses kaddibna wuu geeriyooday. Da’diisu waxa ay ahayd 30.

Kooxda wali warbixin kama soo saarin xaaladda caafimaad ee Tiote.

Koox wadaagii hore ee Tiote oo ay Newcastle ka wada tirsanaayeen, Demba Ba, waxa uu Twitter-kiisa ku soo qoray: “Eebe Jannada haka waraabiyo walaalkey Tiote.” Waxa uu soo raaciyey lix callaamadood oo oohin muujinaya qoraalkiisa.

251226 251237 251241 251244

Tiote waxa uu xirfadiisa caalami ka soo bilaabay Anderlecht 2005 kahor inta uusan u wareegin FC Twente saddex sano kaddib.

Bur buraha waxa uu £3.5million ugu biiray Newcastle 2010kii.

Cheick-Tiote-813299

Waxa uu ku sugnaa Magpies muddo 7 sanoah – Goolka qura ee uu Premier League ka dhaliyey waxa uu ugu shubay Arsenal ciyaar ku dhammaatay 4-4  bishii Febraayo 2011.

Tiote 22 kulan oo kaliya ayuu Premier League-ga u saftay Newcastle kahor inta aan heerka labaad aysan u dhicin 2015-16.

Waxa uu qeyb ka ahaa safka Rafa Benitez bilowgii ololahan idlaaday waxa uuna u saftay sadex kulan kahor inta uusan aadin China.

Kulankiisii ugu danbeeyey ee Toon waxa ay 3-1 uga badiyeen Birmingham bishii Janaayo.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close