Antonio Rüdiger oo doonaya inuu Inter ku biiro

(Roma) 05 Juunyo 2017 – Antonio Rudiger ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Inter Milan, balse AS Roma ayaa u diyaar ahayn inay ku iibiso wax ka yar €40m.

Kooxda Nerazzurri ayaa la ogyahay inay doonayso inay daafaceeda xoojiso xagaagan, waxaana la rumaysan yahay in laacibkan caalamiga ah ee reer Jarman uu ka mid yahay laacibiinta ay doonayaan.

Warsidaha calciomercato.com ayaa haatan werinaya in dambeedkan dhexe uu u diyaar yahay inuu dalabkooda aqbalo, isagoo la dhacay mashruuca Inter.

Yeelkeede, weli si kama damayn ah Roma uguma caddaynin ujeedkiisa, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay maareeyaha ciyaaraha ee kooxdaasi Jaalle Monchi.

Waxaa intaa dheer, kooxda Giallorossi oo laacibka ku fasaxaysa €40m oo euro, isna sida la yiri diyaar uma aha inuu khasbo tegitaankiisa, balse wuxuu niyad ahaan jecel yahay inuu ku biiro Inter oo uu joogo Walter Sabatini, oo ah ninkii isaga keenay Serie A xagaagii 2015, sidoo kalena waxaa kusoo maqan macallinkiisii Luciano Spalletti.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close