Andres Iniesta oo hoos u dhigay sii joogitaankiisa Barcelona

iniesta

(Barcelona) 05 Juunyo 2017 Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa hoos u dhigay fursada uu ku sii joogi karo kooxdiisa.

Qandaraaska Andres Iniesta ee Barcelona ayaa dhacaya dhamaadka xiliciyaareedka dambe, mana muuqato ilaa haatan dadaal looga saxiixayo heshiis cusub.

“Ilaa haatan wax go’aan ah kama gaarin heshiis kordhintayda Barcelona, waxaan si dhab ah uga fikirayaa inaan qaato go’aan sax ah” ayuu yiri Andres Iniesta.

Warar laga helayo talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus ay doonayso saxiixa 33 jirka reer Spain laakiin aad ayeey u adatahay in xaggaagan uu katago Barcelona.

Hoos u dhac ayaa ku yimid qaab ciyaareedka Andres Iniesta, kooxda ayaana u baahan inay samayso saxiixyo dhanka qadka dhexe ah xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close