Nike oo soo bandhigtay kubadda lagu ciyaari doono horyaalka Talyaaniga fasalka 2017-2018 + Sawirro

(Roma) 05 Juunyo 2017 – Kubadda Nike Ordem V waa kubadda rasmiga ah ee fasal-ciyaareedka soo aaddan lagu ciyaari doono horyaalka Talyaaniga ee Serie A 2017-2018 sidoo kale tartanada TIM Cup, TIM Supercup iyo kuwa da’yarta ee Primavera.

Nike Ordem V oo lagu dheeli doono 3-da horyaal ee Serie A TIM, Premiere League iyo La Liga Santander ayaa ah kubad si khaas ah loo farsameeyay, iyadoo la jaan qaadi karta heerkulka kala geddisan, iyadoo qaabka loo aaryeeyay ay ka saacidayso taabasho miisaaman iyo saxnaan dhanka shuutka ah.

Muuqaalka Distorted Motion Graphics – oo ay ku jiraan farsamooyin 3-D ah ayaa kubadda ka taageeraysa dhanka socodka iyo taabashada jilicsan, iyadoo midabbada caksiga ah ee caddaanka, oranjada iyo madowgu ay laacibka ka caawinayaan inuu kubadda si saaxi ah u arki karo mar kasta.

Cadaadiska kubadda ayaa isna loo cabiray qaab geometric ahaan sax ah si loo helo shuut saxan misna xooggan iyadoo uu maqaarka la macmalay ee ay kubaddu ka sameeysan tahay uu yahay mid loogu tala galay inay kubaddu u gigsato jugaha ku dhacaya.

b b2 b3 b4

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close