“Weli waxaa ii harsan hal fursad oon ku qaadi karo Champions League.”. Buffon

in

(Cardiff) 04 Juunyo 2017.  Gianluigi Buffon ayaa ka dhawaajiyay inuu weli heysto fursad uu ugu guuleysan karo koobka Champions Leaugue.

Buffon ayaa ka mid ah xiddigo waa wayn oo soo maray kubbada cagta oo aan marna ku guuleysan koobka dhaga waynaha.

Real Madrid ayaa ku ciyaartay rajadii Buffon kaddib markii ay 4-1 xalay koobka uga qaaaday ciyaartii ka dhacday magaalada Cardiff.

Waxaad moodaa inuu waqtiga ku yar yahay 39 jirka si uu u dhammyestirto biladihiisa balse wuu diiday inuu is dhiibo oo weli faraa ii taagan ayuu leeyahay.

“Weli waxaa qandaraaskeyga iiga harsan hal sano, sidaa darteed waxay taa la micno tahay inaan heysto hal fursad kale oo aan ugu guuleysto Champions League,” Buffon ayaa sidaa u sheegay Sky Sport Italia.

“Waxaan qirayaa inay adkaan doonto in la sameeyo wax ka fiican sanadan, maxaa yeelay waxaan xilli ciyaareedkan sameyn karnay wax aan innaba caadi ahayn.

Nasiib darro, waan qaabeyn waynay.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close