PSG oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Fabinho

Image result for Fabinho psg

(Paris) 04 Juunyo 2017 Kooxda PSG ayaa ku soo biirtay tartanka saxiixa laacibka qadka dhexe ee kooxda Monaco Fabinho.

L’Equipe ayaa ogaatay in agaasimaha cusub ee dhanka ciyaaraha kooxda PSG uu aad u doonayo soo xerogalinta Fabinho.

23 jirka reer Brazil ayaa kula jira kooxda Monaco heshiis dhacaya 2021, qandaraaskiisa waxaa qayb ka ah qodob qoraya in lagu burburin karo aduun dhan 50 milyan oo euro.

Wargayska ayaa intaa ku daray in maamulka kooxda PSG ay durbadiiba bilaabeen inay xiriir la sameeyaan laacibka iyo wakiilkiisa si ay ugu qanciyaan inuu u soo dhaqaaqo dhanka caasimada faransiiska.

Fabinho ayaa xiliciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxdiisa Monaco, wuxuuna la gaaray Semi Final-ka Champions League isaga oo la qaaday horyaalka faransiiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close