MUUQAAL: James Rodriguez miyuu xalay inkiray Zidane kaddib markii uu safi waayay final ka Champions League!!???

kakak

(Cardiff) 04 Juunyo 2017. Zidane ayaa inuu safo iska dhaafee xitaa ku soo darin liiska uu keydka u magacaabay xiddiga reer Colombia ee James Rodriguez ciyaartii xalay ay koobka dhaga waynaha ka qaadeen Juventus.

Waxaa jiray qiyaas fikradeed laga qabo in James uu ka socdo kooxda reer Spain waxaase taa dab ku sii shiday markii xalay gabi ahaan laga waayay safka Real Madrid.

Muuqaal la soo helay markii ay dhammaatay ciyaartii xalay inta aan Los Blancos la guddoonsiin koobka ayaa waxaa ka soo muuqanaya James Rodriguez oo u muuqda inuu inkirayo ama uu iska indho tirayo tababarihiisa Zidane intii ay dabaal degayeen.

25 jirka ayaa hareer maray macallinka reer France mar uu xabadka galinayay ciyaartoydiisa, balse Zidane ayaa dhabarka ka taabtay James oo soo jeediyay intaa kaddibna xabadka is galiyeen.

Haddaba siduu kuula muuqdaa adiga Rodriguez miyuu inkirayay Zidane mise???

Gool FM.

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Close