Magaalada Napoli oo xalay Madriidaysnayd (Nacaylka Juve oo ay bannaanka soo dhigteen)

(Napoli) 04 Juunyo 2017 – Waxaad ogayd sida ay reer Catalonia u taageerayeen Juventus iyagoo ka horjeeda Real Madrid, xalay waxaa midda kaba darrayd wixii ka dhacay magaalada Napoli ee koonfurta Talyaaniga.

Waxaa balkoonayaasha guryaha lagasoo tuurayay bulalayrro iyadoo ay qaylo is qabsanaysay mar kasta oo Juve ay gool ka dhaliso kooxda Real Madrid oo xalay markii 2-aad oo xiriir ah hanatay koobka UEFA Champions League kaddib markii ay dhegta dhiigga u dartay Juventus.

Baararka iyo meelaha la iskugu yimaaddo ee ciyaarta laga daawanayay ayaa si muuqata looga dareemayay sida loo taageersanaa kooxda reer Spain iyadoo markii ay ciyaartu dhamaatay uu dabaal deg is qabsaday, iyadoo subaxdiina la arkayay taageerayaal ku lebisnaa funaanadaha iyo garbasaarrada Real, taasoo raad ku leh coltanka kubadeed ee labada kooxdeed,

Taageerayaasha Napoli ayaa la xusuustaa in ay xitaa qaarkood ka horjeedeen dalkooda Talyaaniga iyagoo 1990-kii taageerayay xulka Argentina oo uu u dheelayay Dieo Maradona oo xilligaa u joogey kooxda Napoli.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close