Liverpool oo qarka u saaran inay qaadato Muxamed Saalax

(Liverpool) 04 Juunyo 2017 – Liverpool ayaa la sheegayaa inay aad ugu dhowdahay inay AS Roma kula hehsiiso €40m oo ayku baayacayso Mohamed Salah oo ay isaga heshiis hordhac ah la gaareen.

Tebiyaha BeIn Sports Arabic ee Mohamed Alkawaleny ayaa xitaa sheegaya in heshiis rasmi ah lagu gaarey €40m.

Iyadoo  sida ay sheegayaan Sky Sport Italia iyo Sportitalia, uu Saalax ogolaaday qandaraas 4 sanadood ah oo uu midkiiba ku qaadan doono €4m oo lagu daray bareemiyo, kaasoo mushaharka u dhowaynaya €5m oo euro.

Roma ayaa horay u sheegtay inay kaliya laacibka ku fasaxays €40m iyagoo horay u diidey dalab ku kacayay €32m oo bareemiyo lagu daray.

Haatan The Mirror ayaa sheegaya in Liverpool ay u diyaar tahay inay gaarto €40m, taasoo qiyaastii gaaraysa £35.1m oo gini.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close