Laacib hore oo is barbardhig ku sameeyay sababta Juve 7 jeer looga qaaday Milan-na ay 7 jeer u qaadday CL + Sawirro

(Brescia) 04 Juunyo 2017 – Laacibkii hore ee reer Talyaani iyo kooxo fara badan ee Paolo Ziliani, oo haatan ciyaaraha falanqeeya ayaa fikirkiisa ka dhiibtey dhibka Juventus ka haysta KHY.

Kooxda Juventus ayaa waxaa xalay ku durdurisay kooxda Real Madrid oo 4-1 kaga qaadday koob ay ka qatanaayeen muddo 21 sanadood ah, taasoo imanaysa 2 sano uun kaddib markii isla koobkan ay ka qaadday kooxda BARCA.

Wuxuu Twitter kusoo qoray is barbardhig uu ku sameeyay guulaha Champions League ee AC Milan iyo guuldarrooyinka Juve isagoo yiri: “Haddii ay Milan hanatay 7 Champions league oo Juve 7 laga qaaday, waxaa ugu wacan Milan had iyo goor kubad ayay dheeshaa, balse Juve marna ma dheesho, (waana aragtaa).” isagoo ula jeeda kulamada final-ka CL.

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close