Griezmann oo qalbi jabiyay jamaahiirta Manchester United

gi

(Madrid) 04 Juunyo 2017. Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay inuu  la sii joogayo kooxdiisa Atletico Madrid kaddib ganaaxii suuqa laga saaray kooxdiisa.

Kooxda ka dhisan caasimadda Madrid ayaa laga soo diiday racfaan ay gudbisay oo ku aadaneyd sida ay ula soo wareegto ciyaartoyda ka yar 18-jirada taa oo micnaheedu yahay inaysan wax ciyaartoyd ah la soo wareegi karin suuqyada na soo aadan.

Dhaliyaha reer France ayaa si wayn lala xiriirinayay inuu u baqooli doono Man United iyadoo ay jirto in Real Madrid xitaa ay xiiseynaysay.

Griezmann rules out Man Utd move by confirming Atletico stay

Hasayeeshee, laacibka ayaa go’aansaday iminka inuu la sii joogo kooxdiisa la dulmiyay.

“Waxaan go’aansaday inaan sii joogo kaddib xayiraadii CAS ee la soo saaray,” Griezmann ayaa sidaa u sheegay Telefoot.

“Waxay ahayd kal ciyaareed kale oo wacan waxaana rajeynayaa inaan saxiixyo fiican sameyn karno Janaayo.

“Waqti adag ayuu u yahay kooxda iyo saaxiibadeyda naadiga, waxayna noqoneysaa dhabar jab inaan iminka ka tago.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close