Ramos iyo Ronaldo oo caawa samayn kara Rikoor haddii ay gool ka dhaliyaan Juventus

هدف وحيد يفصل راموس ورونالدو عن رقم قياسي في نهائي الأبطال

(Cardiff) 03 Juunyo 2017 Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa caawa qarka u saaran inay gaaraan rikoor aan wali horay uga dhicin koobka horyaalada yurub.

Haddii labadaan laacib ay gool ka dhaliyaan kulanka caawa, waxay noqon doonaan ciyaaryahankii ugu horeeyay ee 3-Final oo Champions League ah ka dhaliya gool.

Ronaldo ayaa gool ka dhaliyay Final-kii Champions League ee 2008, sidoo kale wuxuu shabaqa soo taabtay finalkii 2014, wuxuuna u baahanyahay inuu caawa dhaliyo gool si uu u noqdo laacibkii ugu horeeyay ee 3-Final gool ka dhaliya koobka horyaalada yurub.

Sidoo kale Ramos ayaa lamid ah Ronaldo oo wuxuu goolal ka dhaliyay finaladii 2014 iyo 2016, wuxuuna u baahanyahay inuu gool dhaliyo caawa si uu u noqdo laacibkii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya 3-Final oo Champions League.

Wali kama dhicin taariikhda Champions League laacib gool ka dhaliyay 3-Final oo kala duwan, Ronaldo iyo Ramos ayaana caawa fursad u haysta inay magacooda ku diiwaan galiyaan haddii ay dhaliyaan gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close