Arsenal oo aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa Arda Turan

(London) 03 Juunyo 2017 Kooxda Arsenal ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa kubadd abuuraha kooxda Barcelona ee Arda Turan.

Laacibka reer Turki ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo kooxdiisa Barcelona tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay kooxda Atletico xaggaagii 2015.

Kooxda Arsenal ayaana haatan heshiis lagaartay Arda Turan si uu ugu soo biiro suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gunners ayaa shuruuda gaarka ah kala heshiisay Arda Turan, waxaana harsan oo kaliya inay heshiis lagaarto kooxda Barcelona, Turan ayaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 30 milyan oo euro sida ay baahisay shabakada Eldesmarque.

Heshiis kordhintii Wenger ayaa dadajisay wadahadalada sedex geesoodka ah, Barcelona ayaana durbadiiba bilowday raadinta badalka Arda Turan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close