Xiddig ka tirsan Real Madrid oo doonaya in Griezmann ku biiro Manchester United

FBL-WC-2018-FRA

(Madrid) 02 Maajo 2017. Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos waxa uu sheegay wararka sheegaya in Antoine Griezmann ku biirayo Manchester United ay war wanaagsan u tahay kooxda Zinedine Zidane.

Griezmann, oo ay da’diisu tahay 26 ayaa la warinayaa in uu Atletico Madrid u sheegay in uu doonayo ka tegidda Vicente Calderon si uu ugu biro Old Trafford.

United waxa ay diyaar u tahay bixinta £85million ee lagu rabo xiddiga.

Hore laacibka reer France waxa uu u sheegay in 60% uu ku biro karo Manchester United waxa ayna ahayd kahor inta aysan qaadin Europa League, Red Devils hada fursad wacan ayey haysataa maadama ay u soo baxday Champions League-ga.

Real Madrid wey soo afjartay shanti sano ee abaarta ka haysatay La Liga, Romos waxa uu leeyahay warkaas Griezmann waa mid laga soo dhaweynayo Bernabeu.

Real Madrid CF v FC Bayern Muenchen - UEFA Champions League Quarter Final: Second Leg

“Ciyaaryahan walba dunidiisa ayuu jooga, mid walba waa in uu go’aansadaa meesha uu rabo in uu ka dheelo,” ayuu yiri Raos.

“Waa in uu go’aan ka gaaraa waxa uu rabo in uu sameeyo. Hadii Manchester United ay ka qaadato Atletico hal dhib ayaa naga haray hadaan nahay Madrid ololaha dambe.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close