RASMI: AC Milan oo soo iibsatey Franck Kessie + Sawirro

(Milano) 02 Juunyo 2017 – AC Milan ayaa ku dhawaaqday inay soo dhamaystirtay saxiixa laacibkii hore ee khadka dhexe uga dheelayay Atalanta ee Franck Kessie oo ku yimid heshiis 2 sano oo amaah oo ay khasab tahay in deeto la iibsado.

AC Milan ayaa Twitter-keeda rasmiga ah ku xaqiijisay in heshiiska Kessie uu rigli noqon doono 2019, kaddib markii uu laacibku ku baasay tijaabada caafimaad iyadoo la bedeley qorshe ahaa in laacibka Isniinta lagusoo bandhigo Facebook kaddib markii uu Mirabelli aadey Monte Carlo..

“AC Milan waxay ku dhawaaqaysaa inay Atalanta kasoo qaadatay adeegga ciyaareed ee Franck Kessie, kaasoo saxiixay qandaraas soconaya ilaa Juun 30, 2019,” ayuu u dhignaa war lagu qoray webka rasmiga ah ee Rossoneri.

Laacibkan 20-jirka ah ee Ivorian-ka ah ayaa 6 gool dhaliyay 30 kulan oo uu u saftay Atalanta, iyadoo ay kooxdiisu 4-aad ka gashay horyaalka, waana laacibkii 2-aad ee Milan kusoo biira kaddib daafaca dhexe ee Mateo Musacchio.

B

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close