Mesut Ozil oo ugu danbayntii ogolaaday inuu heshiiska u kordhiyo Arsenal

(London) 02 Juunyo 2017 Kubadd abuuraha xulka Jarmalka iyo Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ogolaaday ugu danbayntii inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Ozil ayaa ku jahwareersanaa mustaqbalka tababare Arsene Wenger iyo qorshaha kooxda ee xiliciyaareedka dambe, laakiin isfahan ayaa yimid kadib markii uu heshiis cusub saxiixay tababaraha reer France.

The Sun ayaa ogaatay in Mesut Ozil uu ogolaaday inuu yareeyo mushaarkii uu dalbanayay ee ahaa 350 kun oo Ginni isbuucii.

Laacibka reer Jarmal ayaana haatan ogolaaday inuu qaato mushaarkii ay u soo bandhigtay Arsenal oo ahaa 280 kun oo Ginni isbuucii, waxaana la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis waqti dheer ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Mesut Ozil uusan wax dalab ah ka helin kooxaha kale ee yurub, taas ayaana sabab u ah inuu ogolaado heshiis kordhinta kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close